Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo xirtay Masuul katirsanaa Somaliland oo diiday in uu dhankooda kusoo biiro

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen masuul katirsanaa maamulka Somaliland oo diiday in uu kasoo goosto Somaliland kuna soo biiro dhinaca Puntland.

Sida aan wararka ku helnay Ciidamada maamulka Puntland ayaa xiray guddoomiye kuxigeenkii maamulka Somaliland u qaabilsanaa  Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse Suldaan Suus .

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay masuulkan ayaa ka dalbaday in uu ka tanaasulo xilka uu u hayo maamulka Somaliland isla markaana uu kusoo biiro dhinaca Maamulka Puntland hasa ahaatee uu arintaasi ka biyo diiday.

Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii dambe kordhisay saameynta ay ku yeelaneyso gobolka Sanaag gaar ahaan Degmada Badhan oo dhawaan gaareen Wasiiro iyo saraakiil ciidan oo katirsan maamulkaasi.

Somaliland iyo Puntland ayaa isku heesta maamulka Gobolka Sanaag ay labada maamul midbo dhinac ka joogo , waxaana shacabka gobolkaasi ay kala taageersan yihiin labada maamul ee iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Mustaqiim Online oo Bushaaro Muhiim ah u haya Soomaalida Qurbaha kunool

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Xukuumada Itoobiya oo si kulul uga hadashay cunaqabateynta Maraykanka ee Eritrea

Caydiid Ali
Taboola Ads ---