Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Kheyre oo hal arin ku amaanay dadka kunool magaalada Xudur (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur kala qayb galay munaasabad ay kusoo dhaweynayeen wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay in dowladnimadu ay tahay dadka oo isu taga, wadajir wax u qabsada, horumarkana ka shaqeeya, si cududooda u muujiyaan wax kasta oo dhib ku ah deegaankana ay isaga qabtaan.

Dhammaan bulshadii munaasabadda ka hadashay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay qaabkii ay magaalada uga xoreeyeen Al Shabaab  iyo sida ay hadda amnigeeda ku sugaan oo ah hannaan ay bulshadu ay wadajir uga qayb qaadato, arrintaas oo suuga gelisay in magaaladu ay hesho amni la isku haleyn karo iyo in cadawgu ay ku dhiirran waayaan inay bulshada shirqoollo u maleegaan

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amaanay Reer Xudur sida ay isaga xoreeyeen Al Shabaab, waxa uuna sheegay in dadka Soomaaliyeed wax ka baran karaan wadajirka ay danta deegaanka uga shaqeeyeen reer Xudur, waxa uuna dhamaan dadka ku nool deegaannada ay Al Shabaab heestaan ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan oo ay wadajir isugu abaabulaan ka hor tagga argagaxisada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay reer Xudur in ay laba jibbaaraan isku duubnida ka dhexeysa bulshada iyo maamulkooda, ayaa faray hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka howl gala in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan baahiyaha ay qabaan bulshada ku nool Xudur si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meta oo War ka soo saartay ciladii caawa qabsatay bogaga Facebook & Instagram

Caydiid Ali

Waxii aan kusoo arkay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Bandhigga warbixinta Sahanka Miisaaniyadda Qoyska Soomaaliyeed oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---