Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Gudoomiyaal Degmo iyo Odayaal (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Xudur kula kulmay Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka, ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka.

Gudoomiyaasha iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid gobalka Bakool , waxa ayna la wadaageen baahiyha ay qabaan bulshada gobalka ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si deegaanku u gaaro horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maamullada degmooyinka iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka uu la qaatay uga war bixiyay qorshaha socodka uu ku yimid gobalkaan Bakool iyo guud ahaan deegaannada dowlad gobleedka Koofur Galbeed, ayaa u sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto baahiyaha jira ee caafimaad, waxbarasho iyo amni.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha, odayaasha dhaqanka iyo maamullada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo qaar kamid ah xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Rag la tuhmayo oo la qabtay 

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo muhiim kala hadlay Magatte Guisse (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Siyaasiyiin & Waxgarad ka soo jeeda Puntland oo soo saaray Bayaan ka dhan ah Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---