Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo shaacisay iney askar badan ka leysay Ciidanka Kenya, gaadiidna ka gubtay

Al–Shabaab ayaa war ay caawa soo saartay ku sheegtay in xoogag hubeysan oo ka tirsan ciidankeeda ay weerar ku qaadeen meel ku dhow saldhigga ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Ceelraam oo hoos taga degmada Mandhera ee gobolka Woqooyi bari dalkaas.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 9 askari oo Kenyan ah isla markaana lagu gubay iAfar gaari oo qaarkood ay yihiin nooca Gaashaaman ee Taawga loo yaqaan.

Weerarkan oo dhacay maanta duhurkii ayey Al-shabaab sheegtay in gaadiidka lagu gubay ay kala ahaayeen Taw, Kooyal, Mitsubish iyo Probox.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka uu ciidanka Kenya qabsaday daqiiqado kadib markii ay ka soo baxeen saldhigga ay ku leeyihiin Ceelraam kuna sii jeedeen dhanka Xuduuda gaar ahaan wadada aadda degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya iyo Maamulka gobolka woqooyi bari Kenya ayaan ka hadlin illaa hadda weerarkan oo qeyb ka ah weeraro dhabo gal ah oo marar badan Al-shabaab ay ka fuliyeen gudaha dalkaas gaar ahaan gobolka Soomaalidu degto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kumuu ahaa C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)? Taariikh nololeedkiisa

Caydiid Ali

Xamse oo abaal-marino siiyey shaqsiyaad iyo ciidamo qabtay hawlo Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay tahay fariinta Itoobiya dirtay ee ka careysiisay dowlada Masar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---