Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Kalluumeysato Soomaali ah oo lagu la’yahay Badweynta India & baadigoob soconaya

Shan nin oo ka tirsan kalluumeysatada ka jilaabta Puntland ayaa lagu la’yahay xeebaha degaaamada Puntland muddo 4 maamlood ah, waxaana xaalad kalluumeysatadaas ka waramay wasiirka wasaaradda kallumeysiga Puntland Faarax Maxamuud Cawaash.

Wasiirka ayaa sheegay inay dhowr doon u direen si ay usoo helaan kalluumeysatada la la’yahay, balse waxa uu sheegay inaysan kusoo guuleysan.

Faarax Maxamuud Cawaash ayaa sidoo kale sheegay inay la xiriireen ciidamada caalamiga ah ee ilaaliyaha xeebaha Soomaaliya, kana codsadeen inay gacan ka gaystaan soo helistan dadkan.

Waxaa uu sheegay ineysan garaneyn nolol iyo geeri xaalada ay ku jiraan kalluumeysatan ayna socdaan dedaalo lagu ogaanayo halka ay ku dambeeyeen.

“Kalluumeysatada waxay ka baxeen xeebta degaanka Bina oo ka tirsan gobolka Garfaduu 7-dii bishan, doonyo badan ayaa loo diray balse illaa hadda lama hayo” ayuu yiri Wasiirka.

Sanadkii hore ayey markii kaluumeysato ka soo jeeda degaanada Puntland oo muudo badan la weysanaa meydadkooda laga helay degaano ka tirsan xeebaha maamulka ka dib markii ay baddu soo caariday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaritaanka Cudurka Coronavirus oo laga bilaabay Garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Howlgalka Amni ee looga dhawaaqay Muqdisho oo hadal heyn badan dhaliyay

Cabdi Cade

Nin oday ah iyo wiil uu dhalay oo xalay Gaalkacyo ku dilay labo Sargaal iyo baadigoob loogu jiro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---