Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Sawirro) Muuse Biixi oo bilado gudoonsiiyey saraakiil ciidan oo Itoobiya lagu soo tababaray

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada maamulkiisa kuwaasoo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku taalla dalka Itoobiya.

Munaasabad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiishan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada hargeysa, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada

Taliyaha guud ee ciidanka Somaliland sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaareen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxayna ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo aqoontooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hoyeen jaamacadaha ay dhiganayeen.

“Waxa la idinka doonayaa aqoonta aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxaanu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Afarta sarkaal ee kasoo qalinjebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah, Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye, Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar iyo Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farnaajo oo Saxiixay Sharci Guddi cusub lagu dhisay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo gubtay Saldhigii booliiska Matabaan kadibna isaga baxday Degmadaasi

Cabdi Cade

Wasiir caan ah oo taageeray dibed-baxa Mucaaradku ku baaqeen Jimcaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---