Allbanaadir.com
NEWS

Dhagxaan iyo Caro tuur lagu xiray qaar kamid ah Wadooyinka Dhuusomareeb

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya geesay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa adkeeyay amaanka guud ee magaaladaasi oo dhawaan la filayo in doorashooyin ka dhacaan.

Ciidamada ayaa dhagxaan iyo caro tuur ku xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan wadooyinka gala xarunta Madaxtooyada Galmudug iyo sidoo kale halka uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada amaanka ayaa baaraya gaadiidka doonaya in ay galaan xarumaha maamulka iyo goobaha kale ee muhiimka ah, waxa ayna ciidamada dadka weediinayaan aqoonsiyo.

Ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee ka howlgalada magaalada Dhuusomareeb ayaa ku jira feejignaan, waxa ayna ciidamada baro iyo koontaroolo ka sameesteen qeybo badan oo magaalada kamid ah.

Magaalada Dhuusomareeb oo hada ka socdo shirka dib u heshiisinta beelaha dega Galmudug ayaa la filayaa in ay ka dhacaan doorashooyin ayna halkaasi gaaraan masuuliyiin kala duwan oo qeyb ka noqonaya dhismaha Galmudugta cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/9xsbc8aGzyU

Related posts

Mahdi Guuleed oo noqday Xildhibaankii u horeeyay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad

Cabdi Cade

Masiibo hor leh oo ku soo wajahan Soomaaliya iyo digniino culus oo laga bixiyey

Caydiid Ali

Gabdho kamid noqonaya Ciidamada Haramcad oo dalka dibadiisa loo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---