Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Shiikh Shaakir & Xildhibaano Mucaarad ah oo caawa ku kulmay Dhuusamareeb (Sawirro)

Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ah Musharax Madaxweynaha Galmudug oo galabta gaaray Dhuusamareeb iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa Xafiiskiisa ku booqday Sheekh Shaakir, iyagoo kala hadlay Arrimo ku saabsan xaalada Galmudug.

Labada xildhibaan ayaa ka mid ah kuwa sida weyn u mucaaradsan dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Xildhibaanada ku booriyay in ay ka qeyb qaataan hormarka Galmudug iyo dhismaha Galmudug Cusub oo mideysan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda maalintii 3aad shirkii dib u heshsiisiinta Galmudug oo ay ka qeyb galayaan ergooyin metelaya beelaha degaanadaas kaasoo ugu dambeyn lagu dhisi doono hogaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/wpG-EPSb8Jk

Related posts

Itoobiya oo qaaday talaabo kale oo ka dhan ah xisbigii ka talin jiray Tigray ee TPLF

Caydiid Ali

Maxaad ka taqaan labada cillad oo ay yeelihiin xafladaha Soomaalidu dhigtaan?

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo la shiray Wafdi ka socday DF iyo Qaramada Midoobay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---