Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laami cusub oo laga dhisayo Baydhabo & Khayre oo dhagax dhigay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/wpG-EPSb8Jk

Related posts

Booliska Jubbaland oo duleedka Kismaayo ka fuliyey howlgal lagu soo qabtay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Musaveni oo jeediyey hadalo bahdil ku ah dowlada Somalia

Caydiid Ali

Mid kamid ah Garoomada Diyaaradeed ee Aduunka ugu weyn oo Turkiga laga furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---