Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada oo fashiliyay qarax miino oo la diyaariyay (Daawo Sawirada)

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM ayaa fashiliyay qarax miino oo lagu aasay hareeraha wado muhiim ah oo kutaala magaalada Buula Burte ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa miino ayaa la sheegay in lagu aasay wado marta bartamaha magaalada Buulo Burte gaar ahaan meel ku dhaw Suuqa jaadka lagu iibiyo oo ay aad u tagaan ciidamada dowlada.

Masuuliyiin katirsan maamulka Degmada Buulo Burte ayaa Warbaahinta u sheegay in shacabka kusoo wargaliyeen qaraxaasi miino laguna guuleestay in la fashiliyo lana kala fur furo qaraxaasi.

Qaraxyada miino ayaa inta badan la galiyaa hareeraha wadooyinka , waxaana inta badan qaraxyadaasi lagu weeraraa ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, inkastoo mararka qaar ay waxyeelo kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/dkNWr7NiEUc

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo mudo kadib maanta kasoo degaya magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay iyo Madaxtooyada oo …

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Tigrey oo markii ugu horeesay qirtay Guul daro hanjabaadna soo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---