Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Gudoomiyay Shir ka dhacay Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed oo looga hadlay daddar-gelinta shaqooyinta tubaha Koonfur Galbeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qayb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo Mustaqbalka, loona baahanyahay in wadajir looga howl galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka ah u adeegidda bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka bulshadu ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa ay qayb ka tahay dhageysiga bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, ayaa qiray in ay muhiim tahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee bulshada lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaada iyo waxbarashada tayo sare leh oo lacag la’aan ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad gobaleedaka Koonfur Galbeed, waxa uuna howl wadeennada wasaaraha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/xGJEnVd05cQ

Related posts

Soomaali ku go’doonsan Lubnaan & dalal dadkooda la baxaya

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo xubno badan oo katirsan Al Shabaab ku dilay Deegaanka Ceel-bashiir

Cabdi Cade

Puntland oo xabsiga ku celisay siyaasi caan ah oo dhowaan la sii daayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---