Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boqor Salman oo mid kamid ah Wiilashiisa u magacaabay Xil Wasiir oo Muhiim ah

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/Casiis ayaa mid kamid ah Wiilashiisa u magacaabay in uu noqdo Wasiirka cusub ee Wasaarada Tamarta Sacuudiga kadib xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiirkii Wasaaradaasi.

Wareegto kasoo baxday Boqorka ayuu Wiilkiisa Amiir  C/casiis Bin Salman ugu magacaabay Wasiirka Tamarta Sacuudiga, waxa uuna noqonaya qofkii ugu horeeyay oo reer Boqor ah oo Wasaaradan Wasiir ka noqda.

Wasiirka cusub ee Tamarta, Amiir C/Casiis oo takhasus u leh Hawlaha Tamarta waxa uu ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Batroolka iyo Macdanta ee King Fahad University of Petroleum and Minerals.

Boqor Salman ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii wasaarada Tamarta Sacuudiga  Khaalid Al-Falix iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradaasi, waxaana la sheegay ninka loo magacaabay Wasiirka in uu kamid yahay dadka ugu awooda badan dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/KR1a5QamEB4

Related posts

Mid kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka oo is karaantiilay kadib markii …

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Mustafa al-Kadhimi oo ka bad baaday weerar halis ah oo lagu dili rabay

Cabdi Cade

Qodobada Heshiiska xabbad-joojinta Gaza iyo xogo dheeraad ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---