Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney 73 jir ah oo umushay ilmahadeedii ugu horeeyey oo mataano ah (Sawirro)

Dalka India waxaa ka dhacay arrin dhif iyo nadir ah ka dib markii Haweeney 73 jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta ku yaalla ee Andhra Pradesh ay ku dhashay labo gabdhood oo mataano ah, iyadoo Dhaqaatiirta sheegeen in hooyada iyo ilmaha ay xaaladdooda wanaagsan tahay.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati waxay sheegtay in ninkeeda oo 82 jir ah ay hadda ka hor ilmo la’aan ahaayeen balse hadda ay heleen labo gabdhood oo mataano ah.

“Si weyn ayaan u faraxsanahay” ayuu yiri Sitarama Rajarao oo ah aabaha dhalay mataanaha.

Waxaa uu sheegay in xaaskiisa ay uur qaaday markii muddo 2 bilood loo bilaabay daweynta ukxanteeda.

“Marar badan ayaan isku daynay in aan helno carruur, waxaana la kulanay dhaqaatiir badan, maanta, waa maalinkii ugu farxadda badnaa nolosheyda” ayay tiri Mangayamma Yaramati.

Arintan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka India, iyadoo dad badan ay aad ula yaabeen sida haweeney da’daas jirta oo ilmo weliba mataano uurkooda u qaaday, waana awoodda ALLE.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

Related posts

Yaa Masuul ka ah in Dekedda Berbera iyo kuwa kale ee dalka si sharci daro ah loola wareego ?

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo War kasoo saartay dilalka ciidanka dowlada u geestaan Shacabka

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Gudiga farsamada Golaha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---