Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Erdogan oo hal arrin ugu goodiyey Yurub, haddii ay fulin waayaan dalabkiisa

Turkiga ayaa digniin culus u jeediyay dalalka midowga Yurub, iyadoo u sheegtay in haddii dalabkeeda la fulin waayo ay qaadi doonto tallaabo culeys weyn u keeneysa Yurub.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku gooddiyay in waddankiisa uu dib u furi doono marintii ay qaxootiga Suuriya ugu gudbi jireen qaaradda Yurub.

Wuxuu si adag u dalbanayaa in lagu taageero sidii uu goob nabdoon oo qaxootiga joogi karaan looga sameyn lahaa Waqooyiga-bari ee dalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegay in uu u baahan yahay in laga caawiyo dhinaca istiraatiijiyadda, “Waa in sidaas la sameeyo, haddii kale waxaan ku khasbanaan doonnaa inaan albaabbada u furno qaxootiga qulqulaya”, ayuu yiri Erdogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

13 Khalad oo dhinaca hab maamuuska qaranka oo dhacay mudadii qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dayuurada Kenya Airways oo markii Sadexaad ka degi weysay garoonka Aden Caddulle

Caydiid Ali

Lamaane Marqaati ahaa oo lagu hortoogtay Maxkamadda Randburg iyo Shaki ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---