Allbanaadir.com
NEWS

R/W Kheyre oo Abaal marin siiyay Ciidamadii fashiliyay qaraxyadii Muqdisho  (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Hay’ada Nabad sugida ayaa xalay booqasho dhiiro galin ah ugu tagay ciidamada ku sugan koontarooladii shalay qaraxyada ka dhaceyn.

Xasan Cali Kheyre iyo Masuuliyiinta kale ee la socday ayaa xalay xili dambe tagay koontaroolada ay ku sugan yihiin Ciidanka Nabad sugida ee kuyaala agagaarka Igsooska KM-4 iyo Isgooska Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa mid mid u Gacan qaaday Ciidankii ku sugnaa koontarooladii lagu fashiliyay qaraxyada , wuxuuna taliyeyaasha koontarooladaasi ka dhagaystay Warbixinno ku aaddan sidii ay ugu ho tageen Qaraxyadii shalay dhacay.

Waxa uu uga mahad celiyay Ra’isul Wasaaraha geesinimada iyo dadaalka badan ay sameeyeen kuna fashiliyeen qaraxyada, waxa uuna R/Wasaaraha ciidankaasi gudoonsiiyay abaal marin lacageed oo ay ku farxeen.

Waxa uu sheegay Kheyre in geesinimada ciidankan badbaadisay naf badan oo Soomaaliyeed, isagoo Ciidanka howl-galkaasi ku guuleystay iyo taliyeyaashooduba u sheegay inuu Salaan diirran iyo hambalyo baaxad leh kaga sida Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane; Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ciidamada Nabad Sugida ee ku sugan Koontaroolada KM-4 iyo Banaadir ayaa shalay fashiliyay qaraxyo la doonayay in laga geesto goobo  Muqdisho katirsan, waxaana qaraxyadan ka dhaceen koontaroolada iyada oon khasarao badan geesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada UK oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Madaxweyne Macron oo ka hadlay sida uu dareemay markii Dharbaaxada lagu dhuftay !

Cabdi Cade

Daawo:-Villa Somalia oo looga guuleestay sii heynta Abuu Mansuur & Saraakiil kasocota Imaaraadka oo…

Cabdi Cade