Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aankii ka soo baxay Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee muddo laba bilood ah dib u dhigtey dhageysiga Dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aankaas qaadatay kadib markii ay eegtay codsigii ka yimid Kenya iyo jawaabtii ay Soomaaliya ka bixisay.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay soona dhoweysay go’aankaas, isla markaana ay u arkaan Kenya mudada la siiyay mid dhibaato aan ku aheyn Soomaaliya.
Kenya ayaa horey u dalbatey in sanad dib loo dhigo dacwada balse Maxkamadda ayaa sheegtay in labo bilood oo kaliya dib loo dhigey si Kenya ay qorato qareeno cusub maadaama ay ku marmarsiyootay iney eriday qareenadii hore.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta