Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu dambeeyay kulan maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka oo baaqday

Waxaa saakay baaqday kulan la filayay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeeshaan xarunta golaha shacabka, ajandaha kulankan baaqday ayaa ahaa mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya gaar ahaan kuwa mooshinka wada ayaa xalay ku balamay in ay kulan yeeshaan, waxaana markii dambe Xildhibaanada xalay saqdii dhaxe lagu wargaliyay in kulanka baaqday.

Sida aan Wararka ku heleyno baaqashada kulanka ayaa yimid kadib kulamo xalay saacado badan socday oo Madaxda sare ee dowlada iyo qaar kamid ah Xildhibaanada ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada amaanka ee xalay lasoo dhoobay xarunta Baarlamaanka ayaa dib looga celiyay laguna war galiyay in uu kulamka baaqday, waxaana hada furan wadooyinka ku dhaw dhaw xarunta Baarlamaanka.

Guddi Xildhibaano ah kana wada tirsan labada dhinac Baarlamaanka ee iska soo horjeeda ayaa la filayaa in maanta kulan yeeshaan kana wada hadlaan xiisadan Baarlamaanka ka dhax aloosan iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Kulan maalintii arbacada Xildhibaanada yeelan lahaayeen ayaa baaqday kadib markii xarunta Baarlamaanka uu Ciidamo badan la galay Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Jawaari.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa ku adkeesanaya in ay xilka ka qaadayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Jawaari ay ku eedeeyeen musuq maasuq iyo waxqabad la’aan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cartan Iley oo howlgal qorsheysan lagu dilay iyo Daahir Calasow oo la dhaawacay

Caydiid Ali

Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo qabtay shaqo laga rabay Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Xassan Shiikh: “Barwaaqo iyo horumar kasta waxaa Somalia ka hor taagan argagixisada”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---