Allbanaadir.com
NEWS

Nin Calooshiisa laga soo saaray Buraashka lagu cadeysto !! (Daawo Sawirro)

Dhaqaatiir ka shaqeysa isbitaal kuyaala magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya ayaa ku guuleestay in nin dhibanaha ah calooshiisa kasoo saaraan buraashka lagu cadeysto uu liqay.

David Charo ayaa maalintii Axada si lama filaan ah isaga oo cadeysanaya u liqay buraashka lagu cadeysto, waxaana ninkan uu tagay isbitaalo badan si looga soo saaro buraashka uu liqay.

Dhaqaatiir badan uu u tagay ninkan ayaa u sheegay in aysan awoodin in ay calooshiisa kasoo saaraan buraashka uu liqay, waxaana ninka lasoo darsay wal wal xoogan uu ka qabo caafimaadkiisa.

Dhaqaatiir ka howlgasha Isbitaal kuyaala Mombasa ayaa ugu dambeyn qaliin ku sameeyay kuna guuleesatay in ninkan buraashka kasoo saaraan, waxaana xaalada ninkan hada la sheegay in ay wanaagsan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Beledweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo lagu soo dhoweeyey Garoonka dayuuradaha Col. Shaati guduud (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Donald Trump oo lagu soo oogay dacwad hor leh iyo Maxkamad looga yeeray

Caydiid Ali