Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo war kasoo saartay Khilaafka Baarlamaanka iyo Hadalkii Taliyaha AMISOM

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira ayaa looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka.

Warka Qoraalka ah ee kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay Midowga Afrika iyo AMISOM  tixgelinayaan madax banaanida shacabka Soomaaliyeed, ayna qirayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida buuxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si looga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siyaasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.

Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay faragaliyeen xiisadii ka taagneyd xarunta Baarlamaanka maalinta arbacada iyaga oo kaashanaya ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM aysan awood u laheyn inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ciidamada AMISOM aysan gacanta ku heyn karin xarunta golaha shacabka, waxaana Midowga Afrika sheegeen hadii ay hay’adaha amaanka Soomaaliya codsadaan in AMISOM gacan ku siinayaan sugida amaanka.

Hadalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili Khilaaf xoogan uu ka dhax jiro Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale taliyaha Ciidamada AMISOM arbacadii shaaciyay in xarunta golaha shacabka la wareegayaan inta xal laga gaarayo khilaafka Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka dhuuntay xil-wareejinta iyo toban su’aalood oo loo diray inuu ka soo jawaabo

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo amar cusub ku soo rogtay Shaqaalaha heyadaha dowladda

Caydiid Ali

Dacwado ka dhan ah Shirkadda Apple oo loo gudbiyey Maxkamadaha Maraykanka

Caydiid Ali