Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Bille oo maanta kasoo dhax muuqday Orodkii lagu qabtay Muqdisho (Daawo Muuqaal)

Orodyahanka Soomaaliyeed ee Caanka ah Cabdi Bile Cabdi ayaa dhowaan soo gaadhay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Wuxuuna maanta ka Qayb galay  Tartan dhinaca Orodka ah oo loogu magacdaray Muqdisho Mini Marathon kaasi oo ay ka Qayb galeen Boqolaal dhalinyaro ah.

Wuxuu halkaasi ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa, Wuxuuna uga hadlay Qiimaha ay leedahay in si dhab ah loo taageero Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah Mustaqbalka maanta iyo Berri.

Cabdi Bille Cabdi  ayaa dhinaca kale hadlay Qiimaha Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, Wuxuuna guud ahaan Bulshada ugu baaqay in laga dhowr sado Qabyaalada iyo Qof-jeclaysiga kuwaasi oo Qaribay dalka, Wuxuuna sheegay in magaalada Muqdisho oo in kabadan Sodon sano uu ka maqnaa uu la qabay Xanuunka iyo Dhibaatooyinka soo gaadhay, Wuxuuna Rajjo wayn ka muujiyey in laga guulaysan doono guud ahaanba Cadowga Soomaaliya.

https://www.youtube.com/watch?v=gz2UTEQ8ge8&feature=youtu.be

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo sheegay inuu sii yaraanayo dulqaadkii uu u hayey hab dhaqanka Israel

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dabkii caawa qabsaday Warshada Biyaha Zamzam (Sawirro)

Caydiid Ali

Jiir ama Dooli Abaal marin caalami ah la gudoonsiiyay iyo Sababta keentay (Sawirro)

Cabdi Cade