Burburki kadib, dowladihi dalka soo maray waxaa ka dhashay Isbedello iyo khilaafaad siyaasadeed, hayeeshee dhacda kasta waxbaa laga baranayay. waxyaabihi ugu muhiimsanaa ee laga bartay waxaa kamid ah’
1. In marka madaxdu isqabato u kala safan jireen Laba garab balse gabagabada sheekadu u dhamaan jirtay dhinaca Madaxweynuhu jiro.
2. In hadii 3da masuul ee ugu sarreyso dalka khilaaf soo kala dhexgalo seeftu qaadi jirtay midka kaligiis meel istaaga ama fallaagooba. U fiirso tusaalooyinka soo socda kana cabbir qaado.
A. Sharif Xassan Sheekh Adan, waxaa ka soo horjeestay Madaxweyne C/llaahi Yusuf(AUN) iyo Reysulwasre Cali Geedi. Waxaa dhacday in Shariif jagadiisi kuwaayay laguna bedelay Sheekh Adan Madoobe.
B. Madaxweyne Sheekh Sharif iyo Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke oo Ra’isul Wasaare ahaa ayaa os qabsaday waxaa baxay CC sharmarke, kadib marki ay isku garab noqdeen Madaxweyne. Shariif iyo gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaas hogaaminayay golaha shacabka.
C. Sheekh Sharif, iyo waxaa iski dhacay Farmaajo oo xiligaas Ra’isul Wasaare ahaa , waxaana isku dhinac noqday labada Shariif iyadoona ugu dambeyn Farmaajo meesha ka baxay loogana saaray Kampala accord.
D. Madaxweyne Xassan Sheekh. Iyo Reysul Wasaare Saacid khilaafkoodi markuu soo shaac baxay oo ay isku dhinac noqdeen Madaxweyne Xassan iyo Jawaari waxaa si fudud u baxay Saacid kadib marki Gudoomiyaha hadda cabanaya uu ku noqday laf dhuun gashay una diiday in uu is difaaco.
E.Xassan Sheekh iyo Reysul wasare Abdilwali Sheekh ayaa iskiu dhacay waxaa fududaaday Cabdiweli in uu baxo Kadib dood iyo foowda dheer oo maalma socotay. Waxaase cadeeyd in Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Xassan is ogaayeen.
Xasuusnow dhamaan Dadka guul darrida saaxiibka la’ahaa waxaa ka soo horjeeday Madaxweynaha markaas talada haya oo aanan ku qanacsaneyn. Sidoo kale dhamaan masuuliyiinti ka huleeshay xafiiskoodi ay jeclaayeen oo guul darreeysatay waxaa loo isticmaalay loona jabiyay qasanadaha dowladda halka iyagu aysan markaa awoodin ineey isticmaalaan dhaqaalaha ku jira qasnadaha dowladda.
Shirarkii jaraa’id iyo qeyla dhaanti Gudoomiye Jawaari laga diwaan galiyay oo midba midka danbe ka kululaa quusna ka muuqatay waxaa laga dhadhansan karaa inuu aad u rajo xun yahay, xeradiisa aanay xoolaba ku jirin.
Marka aad dhuuxdid hadallada is diidan ee ka soo baxaya Mudane Jawaari waxeey u muuqataa in Madaxweynaha iyo Reysulwasaraha midkoodna uusan gacan ka heeysan oo ay ku mideysan yihiin dagaalka siyaasadeed ee lagu hayo.
Arrintaas waxaa cadeeyn u ah shirki jaraa’id uu dhawaan qabtay Gudoomiye Jawaari si aan gambad laheyn u sheegay in Madaxweynuhu ka codsaday inuu is casilo balse uu diiday soo jeedintaas.
Isku soo wada duube dhamaan dhacdooyinkaas anigoo maanka ku haya, waxaa ii muuqata in Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) uu mari doono dariiqi caanka ahaa oo ay mareen siyaasiyiinti hore oo is kugu jiray kuwa ka horeeyay iyo kuwa isaga sababsaday.
Yeelkadeede, Gudoomiye Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari) doorashada dariiqa safarkiisa iyo go’aanka u fudud una haboon isaga ayaa garan kara go’aaminna kara, tasoo macnaheedu tahay inuu is-casilo iyo in uu tijiaabiyo awoodiisa. Aniguse waxaan kula talinayaa oo aan leeyahay “NIN AAN KUU FURI DOONIN YUUSAN KUU RARIN”.
WQ. Abdirashid Ismail
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com