Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo looga digay in hubka Nukliyeerka u adeegsato duufaanada dhibka ku haya

Seynisyahannada Mareykanka ayaa sheegay inaysan fikrad fiican ahayn in hubka wax gumaada ee nuclear-ka loo adeegsado joojinta duufaanta, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in awood kama dambeys ah loo isticmaalo ka hor tagidda musiibadaas dabiiciga ah.

Warbaahinta Axios ayaa tabisay in Mr Trump uu ka dalbaday saraakiil dhowr ah oo ka tirsan amniga qaranka Mareykanka inay u sharraxaan sida ay tallaabada noocaas ah ku suurtagali karto.

Hase ahaatee, ururka ay ku bahoobeen seynisyahannada Mareykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo (NOAA ) ayaa sheegay in adeegsiga nuclearka “uu horseedi karo burbur baahsan oo ka daran midka ay sababeyso duufaanta”.

Laakiin madaxweyne Trump ayaa beeniyay inuu hadalkaas yiri.

“Sheekada ay sameysay warbaahinta Axios ee ku saabsan in madaxweyne Trump uu doonayo inuu duufaanta ku qarxiyo bambo waa war been abuur ah. waligey sidaas ma dhihin”, ayuu Trump ku yiri bartiisa twitter-ka

Duufaannada ayaa sanad walba saameeya xeebaha bari ee dalka Mareykanka, waxayna inta badan sababaan khasaare baahsan.

Ma aha markii ugu horreysay ee lasoo jeediyo fikradda ku saabsan in nuclear loo adeegsado ka hor tagista duufaanta, seynisyahan ka tirsanaa dowladda ayaa 1950-meeyadii ku taliyay in bambada nuclear-ka lala dhaco duufaanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Ujeedka Safarka Farmaajo ku tagay Asmara (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Muudey oo la Go’doomiyay kadib markii laga war helay Shirqool uu waday !!

Cabdi Cade

Dufcadii ugu horeysay oo ka qelin jebisay taqasuska Shareecada & Qaanuunka ee Jaamacada Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---