Allbanaadir.com
NEWS

Ergadii u dambeesay oo gaartay Dhuusomareeb kadib Shuruud ay la yimaadeen oo la fuliyay

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa gaaray ergadii u dambeesay ee ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug oo maanta la filayo in si rasmi ah u furmo.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, xildhibaanno iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaxa XFS, ayaa Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Ergada degaanka Xeraale uga qayb galeysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug

Nabadoonnada hoggaaminayay Ergada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyay sida uu isaga xil saaray in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto goob Dadka dhan u dhexeysa oo lagu qaban karo shir dib-u-heshiisiineed oo looga hadlaya aayaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr Cabdiraxmaan Baaddiyow, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in reer Xeraale ay aqbaleen casuumaadii guddigu u fidiyay kadib  markii la fuliyay shuruuddii ay ku xireen oo aheyd in Dhuusamareeb marka hore laga dhigo magaalo loo simanyahay.

Beesha degta Xeraale oo marar badan colaad dhax martay kooxda Ahlu Sunna ayaa horey u diiday in ay tagaan magaalada Dhuusomareeb inta magaaladaasi ay maamulaan kooxda Ahlu Sunna oo ay tabasho badan ka qabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/8kbGQ161VJ8

Related posts

War-Murtiyeed ka soo baxay kulankii Xassan Shiikh & Musaveni

Caydiid Ali

Aabbe dil u geestay saddex gabdhood uu dhalay kaddibna Booliiska isku dhiibay

Cabdi Cade

RW Khayre oo Muqdisho ku soo gebagebeeyey Shirkii culimada Soomaaliyeed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---