Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad & Wakiilka QM u qaabilsan Somalia? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Waxay ka wada hadleen iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Sidoo kale, waxay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka gaar ahaan xaalada Jubbaland iyo arrimaha Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Madaxa barnaamijka CIP ee World Bank iyo Wafti uu hogaaminayay oo Gaaray Garawe

Cabdi Cade

Masiibo dhowaan ku soo fool leh caalamka & Digniin adag oo laga bixiyey

Caydiid Ali

Somaliland oo caawa ku dhawaaqday Xabbad Joojin hal dhinac ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---