Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay degmada Dayniile

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhax dhigeen maleeshiyaad iyo ciidamo qaab qabiileed u abaabulan oo shalay illaa xalay ku dagaalamayay agagaarka Haanta dheer degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir.

Mid ka mid Saraakiisha ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa ku howlan dhaxdhaxaadintan ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu kala qaadayo ciidamadan ku dagaalamayay xaafado ka tirsan degmada Dayniile,

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadan laga soo diray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sarkaalkaan ayaa sidoo kale tilmaamay inay dib ugu kala celiyeen ciidamadii dagaalamay qoryo iyo agab kale oo ay kala qabsadeen muddadii dagaalka uu socday. sidoo kalana xal laga gaari doono dhimasho iyo dhaawac laba dhinac soo kala gaartay.

Dad degaanka ayuu saameyn balaaran uu ku yeeshay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xaafada Haanta dheer degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaasoo qaarkood barakacay, waxaana dagaalkan uu salka ku hayey muran ka taagan dhul ku yaalla xeradii ciidamada ee Seben seben oo halkaas ku yaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Suuqyada Muqdisho oo laga dareemayo ciriiri badan iyo sababta ka dambeysa

admin

Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Guddiga farsamo ee hanaanka doorashada dalka

Cabdi Cade

Waa kuma hogaamiyaha cusub ee Xisbullah ka dib dilkii Nasrallah

Caydiid Ali