Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha Cadaado oo ku kala qeybsantay ka qeyb galka Shirka Dhuusamareeb

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa kulan ku yeeshay maanta odayaasha & Waxgaradka beesha degta magaaladaas, kaasoo looga hadlay xaalada Galmudug iyo shirka Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkamn ayaa waxay ku cadeeyeen inaysan jirin jirin cid ku metesha shirkaasi oo ka qeyb-galeysa.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xili shalay ay Magaalada Dhuusamareeb tageen Odayaal & Waxgarad la sheegay inay reer Cadaado ku metelayaan shirka, kuwaaasoo ka baxay Magalada Muqdisho.

Qoraalka ay soo saareen waxgaradka Cadaado ayaa waxay ku sheegeen in shirkaasi aysan ka qeyb-gali doonin inta laga xalinayo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney saxdo qaladaadka ay ka gashay reer Cadaado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ayaa ku dhawaaqay in maalinta Arbacada ah ee todobaadkaan uu shirka dib u heshiisiinta Galmudug ka furmayo Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Axmed Madoobe oo shacab badan kula hadlay Masjid ku yaalla Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska DF oo soo bandhigay Sawirada iyo Magacyada askar shaqada laga eryey (Sawirro)

Caydiid Ali

Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qarax labaad oo lagu diyaariyay magaalada Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---