Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Sabriye oo shaaciyay xilliga la furayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye, oo xalay ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb loogu sameeyay ergada ka qeyb geleysa shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa caddeeyay in September 04, 2019 uu furmayo shir-weynaha reer Galmudug ay aayahooda uga tashanayaan.

Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha si reer Galmudug ay ugu diyaar garoobaan dhismaha dowlad gobaleed dhameys ah oo ka shaqeyna danahooda.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada iyo u diyaar garowga ka mira dhalinta shir-weynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/gW7d8QGGaKc

Related posts

Xiliga Codka loo qaadayo Mooshinka laga keenay Jawaari oo la shaacinayo

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Jen. Asad Diyaano loo Magacaabayo taliyaha Booliska Somalia?

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo caawa ku dhawaaqay go’aan muddo dheer looga digayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---