Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Fiqi oo faah faahiyay kulankii ay la qaateen R/W Kheyre iyo Qodob ay ku heshiiyeen

Xildhibaano katirsan xisbiga Mucaaradka ee UPD  lagana soo doorto dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa looga hadlay arimo muhiim ah ay kamid ahaayeen dhismaha maamulka Galmudug iyo sidii Xildhibaanada Mucaaradka gacan uga siin lahaayeen Xukuumada dib u dhiska Galmudug loo dhan yahay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ahaa Xildhibaanada la kulmay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dhismaha DG Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Axmed Fiqi in gabo gabada kulanka ay la qaateen Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre ku heshiiyeen dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad.

”Kulanka waxaa diiradda lagu saaray si qoto dheerna looga wadahadlay dhismaha DG Galmudug loo dhan yahay, Geedi-socod iyo hanaan daahfuran In loo loo maro dhismaha dawlad goboleedka, waxaa la bogaadiyey hawsha uu hormuudka ka ahaa Raysulwasaare Khayre ee xooggan lagu saarayey gogol u xaarka dhismaha Galmudugta cusub ee doorashadeedu ay ka dhacayso caasimadda Dhuusamareeb, gabagabadii Raysulwasaaraha iyo saaxiibadii kulankaas ka qeybgalay waxaa lagu heshiiyey dhismaha Galmduug loo dhan yahay oo loo maro hanaan cad, oo dhasha hogaan hanan kara hawlaha hortabinta u leh Galmudug xilligan la joogo.’ ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Kulanka maanta la qaatay Ra’isul Wasaare Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Xukuumadiisa ayaa kusoo aadaya xili ay socdaan dadaalo uu Kheyre hormuud u yahay oo lagu doonayo in lagu dhiso Galmudug raali laga wada yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Madaxweyne Deni oo maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey Urur Siyaasadeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo ka carootay falal ay ku dhaqaaqday dowlada Iran, kuna hanjabtay..

Caydiid Ali

(Sawirro) Farmaajo oo amar deg deg ah siiyey heyadaha DF ka dib booqashadii B/weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---