Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha cusub ee Booliiska oo ka dhawaajiyay hadal farxad galinaya Shacabka Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidanka booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar.

Munaasabada masuuliyiintii ka qeyb galay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish, waxa uuna khudbad uu munaasabada ka jeediyay kaga dalbaday taliyaha booliiska in la furo wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar oo hadal ka jeediyay munaasabada uu xilka kula wareegayay ayaa balan qaaday in uu furi doono wadooyinka dhagxaanta lagu xiray ee Muqdisho.

Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska in ay qaadi doonaan dhagaxaanta waa weyn ee lagu xiray Wadooyinka , waxa uuna tilmaamay in Ciidanka Booliska ay Mas’uuliyad iska saari doonaan xaqiijinta amaanka caasimada.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha cusub ee ciidanka booliiska ayaa farxad galiyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo dhibaato aad u badan ku qaba wadooyinka dhagxaanta lagu xiray iyo koontaroolada loo diiday in ay ka gudbaan.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo isna dhawaan ka hadlay munaasabad uu xilka kula wareegayay ayuu ku balan qaaday in uu furi doono wadooyinka xiran ee Muqdisho, lamana oga sida ay ku hirgali doonaan balanqaadyada gudoomiyaha iyo taliyaha booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Madaxweyne Deni & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Labada Aqal oo ansixiyay xubnaha guddiga doorashooyinka xlli foodo socotay

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo gantaal la helay markab kale oo marayey Badda Cas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---