Dhammaadkii August 1619, ayaa Markab la oranjiray White Lion, oo sidday 20 qof oo laga soo qafaashay Markab Buurtaqiiska ah, ku soo xirtay tuulada Point Comfort oo ku taal xeebta gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, ahaydna maxmiyad Ingiriisku ka taliyo.
Sida taariikhda lagu hayo, gumaystayaashii Buurtaqiiska ayaa 350 qof ka soo qafaashay boqortooyadii “Ndongo” oo ah maanta “Angola,” kadibna Markab la oranjiray “Sao Joao Baptista” kaga soo raray xeebta Luanda.
Markabka oo u socday “Veracruz” oo ah halka loo yaqaan “Mexico” ayaa jidka waxaa u galay burcad badeed Ingiriis ah. Kadibna qayb ka mid ah badeecadii uu siday markabka iyo labatan qof oo ka mid ah dadkii la soo qafaashtay ayay ka bililiqeysteen.
Maraykanka waxaa xilligaas ka jiray nidaamka shaqada qasabka ah (forced labour regime). Keenista dadkaas, waxay bilow u ahayd dhaqankii ka ganacsiga addoonsiga (transatlantic slave trade), oo dalka Maraykanka ku raagay muddo dheer.
Dadkaas, waxaa laga soo qafaashay Afrika oo dhan, waxay lahaayeen xirfado iyo aqoon, taasoo ka dhigtay shaqaale qiimo leh oo xoog badan. Hase yeeshee, taariikhyahanada, waxay u arkaan keenistooda inay bilow u ahayd 400 sanadood oo masiibo bini’aadan.
Markab yimid 1752 gobolka Maryland ee dalka Maraykanka, ayaa waxaa saarnaa wiil asagoo 16 jir ah lala soo qafaalay walaashii. Yarrow Mamout wuxuu dhashay 1736, waxaana loo maleynayay inuu ka soo jeedo qabaa’ilada reer guuraaga ah ee Afrika.
Afar iyo afartan sanadood markii uu ahaa addoon wanaagsan oo aamin ah, ayaa lagu abaal mariyay in la xureeyo. Yarrow, wuxuu guri ka iibsaday 1800 – Georgetown (Washington DC). Sidoo kale, wuxuu maalgashi ku darsaday bankiga “Columbia Bank.”
Wuxuu ahaa nin cajiib ah, oo taariikhdiisa weyn u soo jiiday in 1819 Charles Willson Peale gacanta ku sawiro. Yarrow Mamout wuxuu ahaa muslim akhriya, qorana afka carabiga. Wuxuu dhintay 1823, waxaana lagu aasay beertiisa oo uu gees kaga dukan jiray.
Yarrow Mamout wuxuu ka tegay wiil iyo gabadh, gurigiisina waxaa la xaraashay geeridiisii kadib, markii lagu yeeshay canshuur raagtay. Masawirkiisa waxaa lagu soo bandhigay National Portrait Gallery ee Maktabadda Dadweynaha Georgetown ee Washington DC, inta u dhexeysa 19kii July ilaa dhammaadka August 2019.
Seddax su’aal oo xiisa leh ayaa ku jirta taariikhda yar ee qoran ee Yarrow Mamout: (1) Wuxuu ahaa muslim akhriya, qorana afka carabiga, haddana aan lagu tilmaanin carab; (2) Wuxuu ka soo jeeday qabiil reer guuraa ah, haddana aan la aqoon; iyo (3) Magaciisa wuxuu leeyahay macno guud, oo dhici karto in lagu tilmaamayay da’diisa, haddana waxaa aad looga isticmaalaa degaanka webiyada ee dalka Soomaaliya.
Miyeysan intaba dhiirigelin siineyn taariikhyahanadda Soomaaliyeed inay dib u baaraan Yarrow!
W/Q Hamza & Cabdulqaadir Cariif
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Allbanaadir Online 24 saac kasta