Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Luiz da Silva oo maanta bilaabaya xabsi 12 sano ah oo lagu xukumay

Madaxweynihii hore ee dalkaas Luiz Inácio Lula da Silva lagu amray inuu booliiska isu dhiibo galinka dambe ee Jimcaha maanta si uu u billaabo 12 sano oo xabsi ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq lagu helay.

Khamiistii ayay maxkamadda ugu saraysa dalka Brazil diiday dalab uu soo gudbistay oo ahaa in uu xor sii ahaado inta uu racfaanka ka qaadanayo xukunka lagu riday.

Lula wuxuu sheegay in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadaysan loona qaabeeyay in lagaga hor istaago inuu doorashada madaxweynaha u tartamo bisha Oktoobar.

Garsoore Sergio Moro oo heer faderaal ah ayaa sheegay in ay waajib tahay in uu xabsiga isgeeyo inta ka horraysa 5:00 galabnimo ee xiliga Brazil oo u dhiganta 11:00 ee saacadda geeska Afrika.

Moro wuxuu sheegay in loo sii diyaariyay “Xabsi khaas ah” kaasoo ka sooci doona maxaabiista kale, si loo ilaaliyo in aan wax loogu dhimin jirkiisa iyo maskaxdiisa.

Marka uu hadalkaas ku dhawaaqay garsooruhu boqolaal ruux oo taageera Lula ayaa mudaaharaad ka dhigay magaalada São Paulo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Axmed Hayaan “Ubadka Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda waxaan ka caawinaa waxbarashadda”

admin

Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya lagu haayo cadaadis ka dhashay Khilaafka Khaliijka

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo ka socda Madaxtooyada kadib is casilaadii Jawaari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---