Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan Fiqi oo si kulul uga hadlay amarkii DF ku soo rogtay dayuuradaha taga Kismaayo

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia ayaa si kulul uga soo horjeestay go’aan maanta ka soo baxay Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya oo ku amartay dayuuradaha taga iyo kuwa ka yimaada magaalada Kismaayo iney soo maraan magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in talaabadaas ay tahay mid ku dhisan siyaasad aargoosi ah oo ay kacday dowlada Somalia, isagoo dhinaca kale sheegay inuu yahay mid lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal kulul oo xildhibaanku soo saaray ayaa ku bilowday sidatan:-

Siyaasadda waa lagu kala aragti duwanaan karaa waana arrin ka dhexeysa siyaasiyiinta laakin macquul ma ahan in dawladda Soomaaliya magaceeda lagu ciqaabo dad Soomaaliyeed.

Go’aanka madaxda Dawaldda Soomaaliya oo ka caraysan doorashadii Jubaland ee loogaga awood roonaaday ee leh muuqaalka aargoosiga ma ahan wax qabta shacabka Soomaaliyeed ee Jubaland ku dhaqan iyo kuwa halkaas u safraya, diyaaradaha Kismaayo tagaya ama ka imaanaya MUQDISHO ha soo maraan ma ahan go’aan xilkasnimo ama saldhig sharci leh, waana isla caqliyaddii wadooyinka Xamar lagu xiray iyo midda aan looga hadlayn laguna cunaqabataynayn shabaabka canshuuraha ka qaadanaya dekedda Muqdisho iyo ganacsiga dalka.

Go’aanka Villa Somalia saakay ka soo baxey Waa mid dhibaato ku ah xuquuqda isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed, kamana bixi karaan dadkeenu culeyska ka dhalan kara go’aankaas.

Hey’adihii dalku waxey noqdeen kuwo go’aanno siyaasadaysan la soo dhex marsiisto, kana gudbaya xayndaabkii shaqeed ee loo igmaday. Hey’adda duulista hawadu marnaba kama aysan hadlin diyaaraddii ciidamada Itoobiyaanka ah waday ee isku dayday In ay ka degto Kismaayo todobaadkii hore, laakin go’aanada shacabkeena lagu dhibaataynayo waa soo saaraysaa. Waa wax laga xumaado.

Inkastoo aan aaminsanahay inuusan go’aankani hirgali doonin, haddana Guddiga Wadooyinka Dekkadaha, Garoomada, Tamarta iyo Gaadiidka labada aqal ee barlamaanka Federaalka waxaa looga fadhiyaa In ay soo faragaliyaan go’aankan sharciga dalka hareermarsan, laguna ciqaabayo shacabkeena u kala socdaalaya gobolada dalka.

Hon. Ahmed Moalim Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax xooggan oo ka dhacay Gaalkacyo & khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowlad ka tirsan Yurub oo Somalia ka cafisey deyn gaareysa $306 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

DF oo digniin siisay shirkadaha isgaarsiinta ka dib arrin cusub oo soo korortay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---