Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ku dhaawacmay Shil Gaari oo ka dhacay gobalka Mudug manta sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Shilkan ayaa ka dhacay degaanka Gawaan oo u dhaxeeya degaanada Wasil iyo Hobyo ee gobolka Mudug.
Lama oga xaalka Madaxweyne caalin iyo halka uu dhaawaca ka soo ka soo gaaray. Balse waxaa uu isaga gooshayey safari uu ku marayey degaano ka tirsan gobolka Mudug.
Madaxweyne Caalin ayaa qeyb ka ahaa Madaxda ka qeyb galeysay Shirka ka socda Hobyo ee u dhaxeeya waxgaradka ka soo jeedaa Gobalka Mudug, kaaso lagu raadinayo midnimada beelaha gobolkaas dega.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com