Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkaddii Shanaad oo duulimaad caalami ah ka bilowday garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Shirkadda Dayuuradaha Air-Uganda ayaa maanta oo Khamiis ah duulimaad caalami ah ka billowday Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu daahfurayey duulimaadka ay Uganda Air ka bilowday Magaalooyinka Muqdisho iyo Kampala ayaa saaka lagu qabtay Garoonka Dayuuradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia ay iyo qaar ka mid ah Safiirrada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre, ayaa bogaadiyay duullimaadka ay shirkadda Uganda Air ka billowday Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay tallaabadani fursad weyn u tahay Gacansatada Soomaaliyeed, Shacabka, Ciidanka AMISOM iyo bahda waxbarashada.

Uganda Airlines ayaa sanadkii 2013 duulimaaad caalami ka billowday Muqdisho, balse hakad ayaa ku yimid safarradii ay Soomaaliya ku iman jirtay arrimo dhaqaale awgood, iyadoo ay haatan joogtayn doonto shirkadda Air Uganda duullimaadyadeeda Muqdisho.

Waa shirkaddii shanaad ee duulimaad caalami ah ka bilowda Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ka horeeyey shirkadaha Turkish Airlines, Air Djbouti, Ethiopian Airlines iyo Qatar Airweys, waxaana sanadaha soo socda la filayaa iney Somalia duulimaadyo caalami ah ka bilaabaan shirkado kale oo waaweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada oo ka hadashay Wararka sheegaya in R/W Kheyre is casilayo !!

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Ahlu sunna

Caydiid Ali

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan oo lagu xukumay shan sano oo xabsi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---