Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu is casilayo ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar lagu baahiyay warar la xariira in Gudoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee Baarlamaanka  Soomaaliya Jawaari uu is casilayo.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee la safan Gudoomiye Jawaari ayaa beeniyay warkan lagu baahiyay baraha bushada, waxa ayna Xildhibaanadan sheegeen in warkaasi uu yahay dacaayad la maalgaliyay.

Xildhibaan Daahir Cabdi C/llaahi (Dr Goo) oo kamid ah Xildhibaanada Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in warka la xariira in uu is casilayo Jawaari ay tahay been abuur lasoo abaabulay.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Gudoomiye Jawaari aysan suura gal ka eheyn inuu is casilo , waxa uuna tilmaamay in uu Jawaari ku taagan yahay sharci , Xildhibaanka ayaana intaa raaciyay in warkan is casilaada ay faafiyeen dhalinyaro lacago lagu siiyay.

Sidoo Xildhibaan C/Qaadir Cosoble ayaa isna sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka la xariiray una cadeeyay in been abuur tahay warka la faafiyay, waxa uuna xusay in Jawaari uusan is casileyn.

Warkan la xariira Is casilaada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa si xoogan baraha bulshada loogu baahiyay xili maanta magaalada Muqdisho soo gaareen wakiilo ka socda beesha caalamka oo u yimid xalinta xiisada ka dhax aloosan Madaxda sare iyo Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe “Ooyin ayaa ka dambeyn doonta wafdiga DF ee tagay Laascaanood”

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo isaga baxay degaan muhiim ah iyo Al-shabaab oo ku laabatay

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo USA oo kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xadgudubka Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---