Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkad dunida caan ka ah oo lagu ganaaxay nus Bilyan dollar iyo sababta ka dambeysa

Shirkadda weyn ee Johnson and Johnson ee Maraykanka laga leeyahay ee samaysa dawooyinka ayaa lagu xukumay in ay bixiso in ka badan nus bilyan doolar oo ganaax ah.

Waxaa loo haystaa inay kaalin ku lahayd dadka badan ee la qabatimay opioid ee ku nool gobolka Oklahoma.

Ku dhawaad 400,000 oo ruux ayaa Maraykanka ugu dhintay Opioids ay iska badiyeen, arrintaasina waxay dhacday intii u dhaxaysay 1999-2017, sida ay baahisay xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurrada.

Tan iyo sannadkii 2000 dad lagu qiyaasay 6,000 oo ruux ayaa Opioids ay iska badiyeen ugu dhintay Oklahoma, sida ay sheegeen qareennada gobolka.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oklahoma ayaa sheegay in dhaqaale jacaylka shirkaddaasi ay horseeday in ay dad badan dhintaan.

Shirkadda Johnson and Johnson ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunkaas.

Xukunkan ayaa loo arkaa in uu tijaabo u yahay sharci la tiigsashada shirkadaha dawooyinka sameeya ee Maraykanka, waxaana uu ka mid noqonayaa xukunkan kuwii ugu waaweynaa ee lagu rido shirkado Maraykan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Lafta Gareen is hortaag ku sameeyay Wadahadaladii Dowlada iyo Maamul Goboleedyada ?

Cabdi Cade

Taliye Diyano oo shir deg deg ah la qaatay Saraakiisha amniga

Caydiid Ali

Israel oo Duqeyn ku leysay Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas Ismail haniyah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---