Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Xaaf oo safar aan horey loo shaacin ku tagay Hobyo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta safar aan horey loo sii shaacin ku tagay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas uu ka socdo shirweyne ay leeyihiin beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir.

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweyne Xaaf ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Hobyo, waxa uuna Xaaf u mahad celiyay dhamaan dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay soo dhaweyntiisa.

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa la filayaa in uu tago halka uu ka socdo shirka ay leeyihiin Beesha Habar Gidir kana jeediyo khudbad, waxa uuna qeyb ka noqonayaa Xaaf siyaasiyiinta Habar Gidir ee shirkaasi goobta uu ka socday tagay.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu Madaxweyne Xaaf ku tago deegaanada Galmudug tan iyo markii uu shaaciyay in mas’uuliyadii maamulka ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo wada howsha maamul dhisida Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbaahinta New Zealand oo qaadeysa talaabo Muslimiinta lagu taageerayo

Caydiid Ali

Jubbaland oo si kulul uga jawaabtay qoraaladii ka soo kala baxay DF & beesha caalamka

Caydiid Ali

Milatariga Sudan oo Shuruudo adag hor dhigay xubnaha wadahadalka ku metalaya SRF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---