Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox Yurub ka dhisan oo Taangi dagaal hordhigtay Garoonkeeda (Daawo Sawirada)

Mid kamid ah kooxaha kubada cagta ee ka aas aasan Qaarada Yurub ayaa dhalisay dood iyo hadal heyn badan kadib markii afaafka hore ee garoonkeeda oo dhigtay taangi nuuca dagaalka ah.

Kooxda Red Star Belgrade ee ka dhisay dalka Serbia ayaa taangi dagaal soo hor dhigtay garoonkeeda si ay taageerayaasheesa usoo jiidato una kiciso dareenkooda , waxa ayna arintan hadal heyn badan ka abuurtay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Taageerayaasha kooxda Red Star Belgrade ayaa isugu yeera ciidanka waqooyi ,waxaana hal ku dhiga u ah Star Machine, waxaana inta badan taageerayaasha kooxda calaamada taankiga ku soo bandhigaan garoonka gudihiisa.

“Ciidanka Waqooyi waxay ku xoogan yihiin iyagoo heysta taanki dagaal” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxda Red Star Belgrade oo la doonayay in lagu kiciyo dareenka taageerayaasha kooxdaasi.

Kooxda Red Star Belgrade ayaa talaabadan hadal heynta dhalisay ku dhaqaaqday kahor ciyaarta isreebreebka Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda ka dhisan dalka Switzerland ee Young Boy.

Inkastoo kooxda Red Star ay u aragtay arintaan mid ay ku kicineyso taageerayaasheeda ka hor kulan muhim ah oo ay ugu soo bixi karaan wareega group-yada Champions League, hadana dadka qaar ayaa u arka inay dib u soo kicineyso xusuus xanuun badan oo ka dhacay Balkans-ka.

Talaabadan ay qaaday kooxda ka dhisay dalka Serbia waxaa khalad u arka kana carooday dadka u dhashay dalalka Croatia iyo Bosnia oo daris la ah dalka Serbia, waxaana Warbaahinta dalalkaasi ka cambaareeyeen falka ay ku kacday kooxda Red Star Belgrade.

Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA weli kama aysan hadlin haddii taankiga la soo dhigay garoonka hortiisa uu xadgudub ku yahay sharuucdooda iyo haddii kooxda Red Star Belgrade la ganaaxayo.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa dhacdadan si weyn dood uga dhax abuurtay, waxa ayna noqotay arintan mid si weyn u qabsata baraha bulshada abuurtana hadal heyn badan iyo doodo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeyn kale oo galabta lala beegsaday Al-Shabaab & DF oo War ka soo saartay

Caydiid Ali

Wadahadal u furmi lahaa Maraykanka & W/Kuuriya oo daqiiqadii u dambeysay fashilmay

Caydiid Ali

Jabuuti oo marti galineysa Shirka Joogteynta Iskaashiga ee Qaarada Afrika iyo Shinaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---