Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NISA oo soo qabatay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay Xoghayihii hore ee G/Banaadir

Taliska ciidanka nabad sugida Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaciyey iney soo qabteen nin ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay qarax maalmo ka hor dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa lagu dilay agaasimihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Mohamed Amiin ka dib markii gaarigiisa loogu xiray.

“NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladaha loo adeegsado qaraxyada” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay NISA soo dhigtay bogga Twitterka.

NISA ayaa soo bandhigtay Muuqaal kooban oo laga soo duubay qalabka loo adeegsado qaraxyada oo laga soo qabtay hoyga uu degenaa ninkan oo aysan sheegin magaciisa, waxaana ka mid ah bateriyaal, mobile yar yar, iyo minooyin la diyaariyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Gudoomiye Mursal oo caawa la kulmay hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo ku dhegan qodobo ka mid ah dastuurka & Xassan Shiikh oo talaabo qaaday

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo gacanta ku dhigay Caruur Al Shabaab askareeyeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---