Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyihii ugu da’da yaraa ee ciidanka Xoogga dalka oo xilka la wareegay (Sawirro)

Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo dhowaan loo Magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta si rasmi ah xilkaas ula wareegay.

Munaasabada xil wareejintan oo ka dhacday xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiil ka socotay xoogga dalka iyo AMISOM iyo mas’uuliyiin kale.

Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka ayaa Taliyaha uu xilka ku wareejiyay kula dardaarmay inuu howlihii socday halkeeda ka sii wado, kuna dedaalo tayeynta ciidanka iyo la dagaalanka argagaxisada.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raagge ayaa noqonaya Taliyihii ugu da’da yaraa ee taariikhda soo mara xilka Taliska Xoogga dalka.

Jen. Odawaa waxaa tababaro ku soo qaatay dalalka Uganda, Sudan iyo Turkey, waana nin dhalinyaro ah oo leh karti hogaamineed, wadaniyad iyo Geesinimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo shaaciyay in ay dileen Cabdullaahi Jabiyow oo Hogaaminayay Weerarkii lagu dilay …

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo qaaday talaabooyin adag oo ay uga aargudaneyso UK

Cabdi Cade

Shiikh Aadan Madoobe oo si kulul uga hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---