Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad sabool ah oo iska diiday Malaayiin dollar oo loogu deeqay

Dowladda Brazil ayaa iska diiday yabooh dhaqaale oo wadamada la isku yiraahdo kooxda G7 doonayeen inay wax kaga qabtaan keynta holcaysa ee Amazon.

Madaxwaynaha dalka Faransiika Emmanuel Macron oo marti galiyay shirka G7 oo Isniintii soo idlaaday ayaa ku dhawaaqay lacag gaaraysa $22 Milyan oo dollar.

Masuuliyiinta Brazil ma cadeynin sababta ay ku diidan yihiin lacagta loogu deeqay balse Madaxwayne Jair Bolsonaro ayaa Faransiiska ku eedeeyay inay ula dhaqmayso dalkiisa sidii gumayste.

Wasiirkiisa Gaashaandhigana waxa uu sheegay in aanan la xakamayn karin dabka ka holcaya kaynta Amazon.

“Macron waxa uu kari waayay inuu saadaaliyo gubashada kaniisad ka mid ah dhaxalka dunida, haddana waxa uu doonayaa in cashir siiyo wadankeena” ayuu yiri Madaxa shaqaalaha ee madaxwayne Bolsonaro.

Wadamada Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK, iyo Mareykanka oo dhamaantood ka qayb galay kulanka G7 ayaa muujiyay walaacooda ku aadan gubashada kaynta Amazon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon Caan ah oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo qaadaya talaabo culeys weyn ka dejineysa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo kormeeray Isbitaalka BandiIradley (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---