Dawladda Kenya ayaa maanta si tijaabo ah u billowday dhoofinta shidaalkii ugu horreeyay oo laga dhoofiyey dekedda Magaalada Mombasa.
Goobta laga dhoofinayay shidaalka ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale oo ka tirsan dalkaas.
Mashruucan ayaa loo arkaa tallaabo oo ay Kenya ku tijaabineyso wax soo saarkeeda shidaalka ka hor inta aysan si rasmi ah u bilaAbain dhoofinta shidaalka sanadka 2024.
Shirkad laga leeyahay Shiinaha, oo uu fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay qandaraaskan, waxaana maanta la dhoofiyay shidaal dhan 240,000 barmiil, waana xadi aad u yar marka la barbar dhigo dalalka waaweyn ee shidaalka dhoofiya.
Xukumadda Nairobi ayaa fileysa inay labada sano ee soo socota shidaalkan ka hesho lacag dhan $84 malyan oo doolar.
Shidaalka maanta la dhoofiyay ayaa laga soo qaaday gobolka waqooyiga-galbeed ku yaalla ee Turkana, waxaana lagu safriyay masaafe dhulka ah oo dhan 850 kiiloo mitir, si loo gaarsiiyo dakadda magaalada Mombasa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com