Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuurado isku dhacay & dhamaan dadkii la socday oo geeriyooday (Sawirro)

Ugu yaraan todobo qof oo 3 ka mid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhintay, kadib markii ay labo dayuuradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay isku dhacen hawadda dalka Spain, gaar ahaan Jasiiradda Mallorca.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda qof kasta oo dayuuradahan saarnaa waa dhintay, mid ka mid ah waxaa saarnaa labo qof, mida kalena waxaa la socday Shan qof oo kala ahaa Lamaane iyo 3 caruur ah oo ay dhaleen.

Waxaa socda baaritaan la doonayo in lagu ogaado dhalashadda dhibaneyaasha iyo sababta keentay shilkan.

Ra’iisl Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa bartiisa Twitterka ku daabacay tacsi uu u diray qoysaska dhibaneyaasha ay musiibaddu ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro kala duwan geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Duufaanta Freddy oo boqolaal qof ku dishay labo dal oo ka tirsan Afrika

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay Nin dil iyo Kufsi geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---