Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

(Sawirro) Wafdi uu horkacayo Madaxweyne Deni oo u ambabaxay Safar dibeda ah

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Itoobiya oo uu ku horumarayo.

Garoonka dayuuradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxtooyada Puntland faahfaahin kama bixin ujeedada safarka Madaxweyne Deni iyo dalal kale ee uu booqanayo marka laga tago Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka DF oo ansixiyey sharci Muhiim ah oo muddo badan hor yaalay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo shir ugu yeeray Saddex madax Goboleed

Caydiid Ali

Dowladda Kenya oo war cusub oo yaab leh ka soo saartay dacwadda Badda (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---