Booliska Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah odayaashii iyo ergooyinkii soo doortay xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya.
Waxaa loo heystaa iney dhawaan tegeen deegaanada Al-Shabaab, iyagoo fulinaya amar ka soo baxday kooxdaas oo loogu yeeray.
Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa waxaa ay sheegeen in iyagoo fulinaya amar ka soo baxay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida qaybteeda 27aad ay Xabsiga dhigeen odayaal toban ka badan oo ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo markii ay la soo kulmeen Al-Shabaab dib ugu soo laabtay gobolka Hiiraan degaano ka mid ah.
Howlgal lagu baadi goobayo qaar ka mid ah Odayaashii la soo kulmay Al-Shabaab ayaa ka socda Magaalada Baladweyne si xabsiga loogu taxaabo.
Ergooyinka soo doortay Xildhibaanada ee la soo kulmay Al-shabaab markii loo yeeray si towbada loogu qabto ayaa haatan wajahaya xaalad adag ka dib markii maamulada ka jira degaanada ay ka baxeen ay ugu hanjabeen iney xirxiri doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com