Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Siyaasiyiin ka soo horjeeday (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo Cabdiqaadir Cabdirahmaan Khaliif oo kamid ah Siyaasiyiinta ka soo horjeeday Madaxweynaha Xiligii Doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa xubnahan ka dhagaystay aragtidooda la xiriirta sidii horay loogu sii socon lahaa loona ilaalin lahaa Midnimada iyo nabadgalyada dalka.

Madaxweynahu wuxuu balanqaaday inuu albaabada u furayo dhamaan dadka reer Jubbaland oo uu u istaagayo sidii uu u hogaamin lahaa Jubbaland Mid ah oo dhamaan dadku ay iska dhex Arkaan wadatashi iyo Midnimana ay sal u tahay.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ahaa xubnaha uu la kulmay Axmed Madoobe ayaa maanta sheegay inuu u tanaasulay danta shacabka Jubbaland isla markana waxaa uu sheegay inuu u istaagay dib u heshiisiinta iyo Midnimada Reer Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo Su’aalo ka keenay sababta dib loogu dhigey dacwada badda

Cabdi Cade

Daawo: NISA oo qabatay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, xili uu ka dhoofayey garoonka..

Caydiid Ali

Rooble oo fuliyay Balan uu ka qaaday Xasan Sheekh iyo Shaki soo kala dhax galay Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---