Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Masuul hore uu ku dhintay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw Qarax nooca  baabuurta hoosta loogu xiro uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw koontaroolka lagu baaro gaadiidka u socda garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Gaariga qaraxa lagu dhejiyay ee qarxay ayaa noociisu ahaa Toyota Prado , waxa uuna gaariga markuu qarxayay taagnaa safka lagu baaro gaadiidka aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Sida aan Wararka ku heleyno gaariga qaraxa lagu soo xiray waxaa watay kuna geeriyooday Amiin Sheekh Cilmi oo soo noqday Xoghayihii maamulka Gobolka Banaadir xiligii Jeneraal Muungaab iyo sidoo kale Sheekh Yuusuf xilka hayeen.

Ciidamada amniga ee koontaroolka joogay ayaa markiiba isku gadaamay aagga uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada ay baaritaan dheeraad ah ku sameeyaan baabuurka qarxay iyo waliba dadkii la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo soo bandhigtay Weerarkii Ceel Saliini iyo Ciidamo Nolol ay ku qabteen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Jubbaland oo loogu deeqay Gaadiidka loo yaqaan Cabdi Billaha (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Malafka Xildhibaanada Jubbaland lagu doortay oo lagu wareejiyay Guddiga Doorashooyinka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---