Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Suudi oo la kulmay Qoyskii uu ka geeriyooday Eng Yariisow (Daawo Sawirada)

Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah senetarada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow.

Senatar Muuse Suudi ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska geeridii ku timid Duqii Muqdisho Eng Yariisow uu ku tilmaamay nin qaran oo wax badan usoo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qoyskii uu ka geeriyooday Gudomiyihii gobolka Banaadir ayaa waayadan ku sugan magaalada Muqdisho ay u yimaadeen duugta iyo tacsida Eng Yariisow, waxa ayna qoyskan ka yimaadeen dalka Ingiriiska oo ay kunoolaayeen.

Madax kala duwan ayaa la kulmay Qoyska uu ka baxay Eng Yariisow kuwaa oo uga tacsiyadeeyay geeridii naxtinta laheyd ee ku timid Duqii Muqdisho oo ahaa halyey aad loo jeclaa wax badana dalka usoo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyihii Saldhiga booliiska Dayniile oo shaqada laga fadhiisiyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in rag Saraakiil ah ay ka dambeeyeen dilka G/Dhexe Cabdi Cali Seed?

Caydiid Ali

Daawo:-Sidee loo arkaa in Xildhibaanada Somaliland Muqdisho lagu dooranayo mana dhaqan galayaa Heshiiskaas !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---