Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaaf oo xilka ka qaaday Wasiir Caqabad ku noqday Shirka Dib U heshiisiinta Galmudug

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii wasaarada Qorshaynta maamulka Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Xaaf ayaa ku wargaliyay dhamaan Hay’adaha kala duwan dowlada  iyo cidii la shaqayn jiray wasiirka Qorsheynta ee xilka laga qaaday in hadda ka dib aysan wax shaqa ah dhex marin.

Wasiirka xilka laga qaaday oo sidoo kale xubin ka ah Guddiga qaban qaabada shirkada Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa khilaaf ka dhax abuuray guddiga dhaxdiisa, waxa uuna horey u sheegay Wasiirkan in shirka gogoshiisa taalo Dhuusomareeb uu fashilmay.

Lama oga wasiirkan xilka laga qaaday in uu kasii mid ahaan doono xubnaha guddiga qaban qaabada uu ka ahaa Xoghaye iyo in sidoo kale guddiga laga saari doono maadaama uu ka dhax abuuray xasarad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jordan oo la baxday safiirkeedii Israel iyo Xerada Jabalia oo mar kale la duqeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal Kenyan ah oo maxkamad ku hortoogtay garsoore xukun isaga ka dhan ahaa riday !

Cabdi Cade

Puntland: “Laga bilaabo berri Farmaajo uma aqoonsanin Madaxweynaha dalka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---