Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan meel ku dhaw warshadihii hore ee Coca Cola, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Hilux ay la socdeeen ciidamo katirsan dowlada oo xiligaasi marayay goobta lagu sii diyaariyay qaraxa miino.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay darawalkii waday gaariga qaraxa lala eegtay iyo ruux kale oo gaarigaasi la socday, lamana sheegin wax khasaaro ah oo dad shacab ah kasoo gaaray qaraxaasi.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana inta badan lala eegtaa gaadiidka ciidanka iyo kuwa la tuhmayo in ay wataan masuuliyiin dowlada katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Yuhuuda oo ka yaabsaday Madaxda ka qeyb galaysa Shirka Munich (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qoys Iiraani ah oo lacag badan ka dhacay Muwaadin Somali oo daaweyn u joogay Hindiya

Cabdi Cade

Carabey iyo Cali Gacal oo laga war dhoorayo Go’aankooda siyaasadeed ee Xiisada Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---